Mareykanka oo shaaciyay in uu ciidamadiisa kala baxayo Suuriya

Sgt. Reuben Hottel, with Headquarters and Headquarters Company, 1st Battalion, 18th Infantry Regiment, 2nd Armored Brigade Combat Team, 1st Infantry Division, reacts to a near ambush by opposition forces July 26 near Alicedale, South Africa during Shared Accord 13. Shared Accord is a biennial training exercise which promotes regional relationships, increases capacity, trains U.S. and South African forces, and furthers cross-training and interoperability.

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ciidamada ka jooga Suuriya ay halkaasi kala soo bixi doonto.

Ma jirto waqti cayiman oo arrintan loo qabtay,balse mid ka mid ah saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in muddo 100 maalmood gudahood ah ay dalkooda ku soo laaban doonaan.

Madaxwayne Trump ayaa bartiisa Tweetarka ku soo qoray in kooxda la baxday dowladda Islamka ee IS looga adkaaday dalka Suuriya islamarkana taasi ay ahayd sababtii ciidamada halkaasi loo geeyay.

Balse qaar ka mid ah xubnaha Kongreska ee xisbiga Jamhuuriga ayaa cambaareeyay go’aankan.

Dagaalka ka dhanka ah kooxda la baxday dowladda Islamka ee gudaha Suuriya ayaa imika soo yaraaday.

Waxa ay ku sugan yihiin oo kali ah qaybo yar oo ka tirsan Koonfur bari dalkaasi Suuriya.

Madaxwayne Trump ayaa sheegay in kooxda IS looga adkaaday gudaha Suuriya islamarkana ciidamada halkaasi laga soo saari doono.

Saraakiisha Mareykanka kalama aysan cadayn tirada ciidamada Mareykanka ee laga soo saarayo halkaasi iyo waqtiga rasmiga ah.

Mareykanka ayaa waxaa Suuriya ka jooga 2000 oo askari.