Laamaha Sirdoonka dalka Mareykanka ayaa gobolka Kansas ku xiray saddex nin oo lagu eedeeyay in ay doonaayeen in ay weerar ku qaadaan daar ay ku sugan yihiin dad Soomaaliyeed oo ku taalla magaalada Garden City ee dalka Mareykanka.
Daarta ay rabeen raggaan in ay weeraraan ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen ku dhawaad 120 qof Soomaali ah.
nimanka la xiray ayaa lagu magacaabaa Curtis Allen, 49 sano jir ah Gavin Wright, 49 sano jir ah iyo Patrick Eugene Stein, 47 sano jir ah.
Saddexaan nin ayaa la sheegay in ay qorshaynaayeen in ay weeraraan daarta ay degan yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku taalla Magaalada Garden City ee gobolka Kanasas ee dalka Mareykanka.
Maxkamada Faderalka ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in raggaasi ay doonaayeen in ay geystaan weerar loo adeegsato Bombooyin oo la doonaayay in lagu weeraro dadka Soomaaliyeed.


