Mareykanka oo ka hadlay Waqtiga Bixitaanka Ciidamada AMISOM

Iyadoo Mudo Lix sano ah ay Ciidamada Difaaca Dalka ee loo Yaqaan KDF-ta ee Qeybta ah Howlgalka Nabad ilaalinta Midowga afrika ee AMISOM ee ka Howlgasha Soomaaliya ayaa Hadana waxaa wali su,aal Ka taagan tahay Waqtiga ay Ciidamada Kenya ka baxayaan Soomaaliya.

General Thomas Waldhauser oo ka Tirsan Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in Ciidamada Xooga Dalka Kenya ay ka soo Bixi Doonan Gudaha Soomaaliya Balse aan wali la Gaarin Waqtigaasi.

Sargaalkan ayaa Ku Taliyay in ka Bixitaanka Ciidamada uu ahaado Mid Xeeladeysan ayna imaan Karto Marka La Qalabeeyo Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed si ay iskaga Filnaadaan Dagaalka ay kula Jiraan Ururka Al shabab iyo kooxaha kale ee Argagixsada.

Isaga oo ka Hadlayay Xarunta Mareykanka ee Taliska Afrika uu ee Magaalada  Stuttgart ee Dalka Germalka ayaa waxaa uu sheegay in ay Jiraan la Tashiyo ku aadan Qaabka ay Ciidamada amisom uga baxayaan Soomaaliya.

Hogaamiyaha Mucaaradka Dalka Kenya ayaa Marar badan waxaa uu ku Taliyay in Ciidamada Difaaca Dalka Kenya laga soo Saaro Soomaaliya iyo ka sii Mid ahaanshiyaha Dalada Amisom Maadama Weeraro Joogta ah oo Qasaaro Ba,an Dhaliyay ay kala Kulmayaan Dagaal yahanada Al-Shabaab.

Balse General Waldhauser ayaa Aminsan in Kenya ay wax badan ka Qabatay Amniga Xuduuda ay La Leedahay Soomaaliya Balse Mararka Qaar ay si Deg Deg ah Wax isku Badali Karaan.

Sargaalkan ayaa Tusaale u soo Qaatay Ciidamada Rangers ee Qeybta ka ah Laamaha amniga dalka kenya ay Tababartay Xukuumada Mareykanka kuwaasi oo wada shaqeyn Dhow La Leh Ciidamada Bada ee Dalka Mareykanka.

Cabdiqani Maxamed- Kenya