Pentagon ayaa Talaadadii sheegay in 12 al- Shabaab , lagu dilay duqeyn dowladda maraykan ay sheegatay in ay ka fulisay Soomaaliya.
Militaga maraykanka ayaa sameeyey howlgal aroortii hore ee Subaxii isniinta ,waxaana la sheegay in howlgalkaas uu ka dhacay koofurta Soomaaliya Gaar haan gobolka Jubbadda Hoose,waxaana la sheegay in weerarkaas lagu dilay 12 ka tirsan Al-shabaab sida uu warbaahinta u xaqiijey afhayeenka Pentagon Jeff Davis.
Duqeynta ayaa waxa ay ka dhacday deegaanka Yoontoy oo 25km dhinca waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbadda Hoose.
Saraakiisha Wasaaarada gaanshadhiga maraykanka waxay sheegeen in ay si laba jibaari doonaan howlgala ay ku beegsanayaan Al-shabaab.
Bishii Maarso , ciidamada Maraykanka sameeyay howlgal cirka ah waxaana la sheegay in howlgalkaas laga fuliyey meel muqdisho u jirta 193 km dhanka waqooyi ,waxaana dowladda maraykanku ay sheegtay in ay dileen 150 ka tirsan Alshabaab.


