USA-RisaalaFM- Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay lacag dhan 5,33 Milyan oo Dollar in Mareykanka uu ugu deeqay dalalka Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya, lacagtaasi oo wax lagaga qabanayo arrimaha Bani’aadanimada, Amniga iyo la dagaalanka Argagixisada.
Rex Tillerson oo dhowaan socdaal ku tagaya Lix dal oo ka mid ah Afrika ayaa hadalkiisa ku dhaliilay dalka Shiinaha oo uu ku tilmaamay in Afrika uu ku yeelanayo Lug aad u balaaran, islamarkaana wadamada qaarada u horseeday deyn fara badan.
Waxa uu tilmaamay in Mareykanka uu ka qeyb qaadan doono islamarkaana uu ka taageeri doono arrimaha la xiriira la dagaalanka Musuq maasuqa iyo in Hay’adaha Dowladda ee Qaarada ay noqdaan kuwa Mareykanka uu gacan ka geysto.
“Inaga oo taageereyna hanaanka nabad gelyada Afrika waa inaan raadinaa xal diblumaasiyadeed oo mudo dheer ka shaqeynaya khilaafyada keenay dhibaatada aan loo adkeysan karin ee culus, inaga oo ah dalka ugu badan ee deeqda bixiya waxaan garab taagnaan doonaa dadka jilicsan, aniga oo cadeyn taa ka dhigaya waxaan ku dhawaaqayaa inaan bixinayno 5,33 Milyan oo Dollar”. Ayuu yiri Rex.
Talaabadan ayaa dad badan waxa ay ku macneynayaan in ay tahay mid ka mid ah Talaabooyinka ugu waa weynaa ee qaabilsan Qaaradda Afrika ee uu ku dhaqaaqo xukunka Madaxweyne Donald Trump.
Sanadkii la soo dhaafay Mareykanka ayaa waxa uu sheegay inuu la laaban doono taageerada hanaanka nabadgelyada ee Qaramabda Mdidoobay, wuxuuna tilmaamay in hanaankaasi uu inta badan ku keenayo in dhaqaalaha Mareykanka oo keliya la adeegsado.


