Siiriya-RisaalaFM- Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Ruushka ayaa waxa ay shaacisay Diyaarad laga leeyahay dalkeeda in ay ku burburtay dalka Siiriya, taasi oo ay saarnaayeen 32 ruux oo rayid u badnaa.
Diyaaradan oo nuuceedu ahaa Antonov-26 ayaa ku burburtay saldhig Ciidamada cirka ee Ruushka ay ku leeyihiin gobolka Latakia, sida ay sheegeen Hay’adaha ammaanka Ruushka.
Saraakiisha Ciidamada Ruushka ayaa beeniyay in la soo riday Diyaaradan, kadib markii ay soo baxeen warar ku saabsan in Diyaarada la soo riday oo awood Millitari loo isticmaalay, warar kale oo soo baxayna waxa ay sheegayaan in cilad farsamo ay qabsatay Diyaaradan.
Saraakiisha Caafimaadka ayaa waxa ay sheegeen in Diyaaradan ay saarnaayeen Labaatan iyo Lix rakaab ah iyo Lix shaqaale ah, kuwaasi oo ay sheegeen in dhammaantood ay geeryoodeen.
Ciidamada Cirka ee Dowlada Ruushka ayaa door muhiim ah waxa ay ka qaateen dagaalada ay Ciidamada Siiriya kula jiraan mucaaradka Toddobadii sano ee la soo dhaafay iyagoo taageerayay Dowlada uu madaxda ka yahay Bashar al-Assad.



