Mareykanka:” Ciidamadeena kalama baxayno Soomaaliya”

Iyadoo kol sii horeysay Muuq baahiyaha NBC ee laga leeyahay dalkaasi Mareykanka uu baahiyey in howgalka ciidamada Mareykanka ay ka wadaan Soomaaliya la dhimayo, iyaga oo soo xiganaya labba sarkaal oo ka tirsanaan jiray Pentagonka, ayaa waxaa warkaasi beeniyay dalkaasi Mareykanka.

Warbaahinta Mareykanka iyo guud ahaan tan caalamka ayaa iyagana baahiyay warkaani ah in Duqeymaha iyo howgalada ciidamada Mareykanka ay ka wadaan Soomaaliya ay dhimayaan.

Inkastoo NBC ay sheegeen in isla xiligaani ay yihiin saraakiisha kuwo u shaqeeyana Pentagonka, hadane waxaa durbadiiba warkaasi beeniyay oo iska fogeeyey Mareykanka.

Afhayeenadda Wasaaradda difaaca Mareykanka sidoo kalena ah taliyaha Ciidanka Badda Mareykanka Candice Tresch, ayaa sheegtay in saraakiisha labbada ah oo ay NBC soo xigatay ay yihiin kuwo hore balse hada aanan u shaqeyn.

Waxa kale oo ay sheegtay in wax is bedel ah aanan lagu sameyn qorshe siyaasadeedkii mareykanka ee Soomaaliya oo ay ciidamadooda weli baaqi kusii ahaan doonaan Soomaaliya.