Marcelo Oo Ku Eedeeyay Ciyaartooyda Real Madrid Iney Is Dhigteen

Marcelo ayaa ku eedeeyay Real Madrid iney ku fashilmeen iney garoonka ku soo bandhigaan qorshe ciyaareedkooda kadib markii ay xalay markale barbaro ay si dirqi ah daqiiqadii ugu danbeysay ee ciyaarta ay 3-3 kula galeen Las Palmas.

Isco ayaa gool u dhaliyay Madrid kulankii ka dhacay Santiago Bernabeu laakin Tana ayaa daqiiqad gudaheed ku barbareeyay waxaan xigay rigoore uu dhaliyay Jonathan Viera iyo gool uu dhaliyay Kevin-Prince Boateng tkadib markii ciyaarta laga saaray Gareth Bale oo qaatay casaan toos ah laakin Cristiano Ronaldo ayaa labo gool dhaliyay daqiiqadihii ugu danbeeyay ee ciyaarta si uu kooxda Zinedine Zidane dhibic ugu badbaadiyay.

Marcelo ayaa ciyaarta kadib la hadlay saxaafada wuxuuna yiri “Markale ciyaartaan waxay aheyd mid aad u adag, waa inaan horumar ka sameynaa waxyaabo badan, waxaan sii wadi doonaa inaan dagaalano” ayuu u sheegay  Movistar+.

“Ciyaarta ka hor, waxbaan ka hadalnaa laakin garoonka markaan ku jirno soo bandhigno waxyaabahaas, Las Palmas waxay heysataa ciyaartooy aad u fiican, waxay sameyn kareen waan aragnay, ugu danbeyn waxaan helnay barbaro”

Bale ayaa ciyaarta laga saaray labo daqiiqo kadib qeybtii labaad ee ciyaarta, xidiga xulka Wales ayaa kaar digniin ah ku qaatay Viera laakin markale ayuu dhulka ku tuuray isla xidiga khadka dhexe ee Las Palmas yaasoo keentay in kaarkii labaad ee digniinta iyo casaan loo taago, wuxuu ahaa kaarkii casaanka ahaa ee ugu horeeyay ee Bale uu qaatay tan iyo markuu ku soo biiray kooxda heysata tartanka yurub sanadii 2013 wuxuuna Marcelo sheegay ineysan muhiim aheyn inuu eedeeyo saaxiibkiis,

“Aniga ma ahi qofka ay tahay inuu wax u sheego, Bale waan qaan gaar wuuna leeyahay khibrad uu isku maamulo uuna kaga fiirsado waxa uu sameynayo iney sax yihiin iyo in kale”.