Maraykanka oo diyaarinaya talaabo millatari oo ka dhan ah Venezuela.

Wadanka Maraykanka ayaa ciidamadiisa gaarka ah ku sii wargaliyay in ay u diyaar garoobaan  tallaabo Milatari oo ka dhan ah dalka Koonfurta Ameerika dhaca ee Venezuela, kaas oo toddobaadyadii la soo dhaafay xaaladiisu aysan wanaagsaneen.

Madaxwaynaha maraykanka Donald Trump ayaa diiday in uu qaado talaabo toos ah oo ka dhan ah Maduro si uu u difaaco awoodna u siiyo Guaido, oo ah madaxa Baarlamaanka Qaranka Venezuela.

Havana waxa ay u sheegtay Washington in ay sii ballaariso joogitaanka ciidamadeeda waddamada dariska ah.

Tobanaan kun oo reer Venezuela ah ayaa wadooyinka Venezuela isugu soo baxay  toddobaadyadii la soo dhaafay, iyagoo taageero u muujinaayay Niclos  Maduro, oo dhawaan uun ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalkaas.

Sidoo kale waxaa jiray dibadbaxyolooga soo horjeeday Maduro oo lagu taageerayay hogaamiyaha sida iskiis isugu yeeray Madaxweynaha Kumeel gaar ah ee Venezuela ee Juan Guaido.

Maraysanka ayaa wacad ku maray in ay ka go’antahay gudbinta gargaarka ay dowladdu ku xayirtay xuduudka, iyadoo Maduro uu goor sii horeysay uu ku tilmaamay Macaawino la doonayo in dalkiisa lagu dumiyo.

Dalal badan oo caalamka dhaca ayaa garab istaag u kala muujiyay Juan Guaido iyo Madxweyne Niclos Maduro, iyadoo ay u muuqato in dalkaasi ay isku qaban karaan quwadaha caalamka maadama dalalka Ruushka iyo Mareykanka ay labada dhinac kala jirtaan.