Beeraley u dhalatay wadanka Jordan ayaa lasoo warinayaa in ay ku geeriyoodeen, kadib markii ay ku qaraxday Miino la galiyay nawaaxiga beertooda.
Dadka sidoo kale ku dhintay qaraxaasi waxaa ka mid ahaa Saddex ruux oo ka tirsan ciidamada ammaanka dalkaasi Jordan, sida ay xaqiijiyeen ilo ammaanka ka tirsan.
Miinada hore ayaa ku qaraxday goobta beeralayda ay ku sugnaayeen, halka tan labaadna ay qarxday xilli ciidamada ammaanku ay baaritaan ku sameeyeen, aag laga shakisanaa waxaana ku dhaawacmeen toddoba ka tirsan ciidamada.
Ilaha nabadgelyada dalka Jordan ayaa sheegaya in baaritaano ay ku socdaan sida ay arrintaan ku dhacday iyaga oo ka gaabsaday in ay bixiyaan faah-faahino dheeraad ah.
Jordan ayaa in ka badan 300,000 oo miino ah waxa ay ka qarxeen dhulkeeda, intooda badanna waxaa la aasay intii uu socday dagaalkii u dhaxeeyay Carabta iyo Yuhuuda, inkastoo ay dhowr mar ay ku dhinteen dad Miino ka qaraxday xudduudaha Ciraaq iyo Suuriya uu la wadaago Jordan.
Qaraxyadan ayaana si gaar ah waxa ay uga dhaceen gobolka Salt, waqooyi galbeed ee Amman, oo ku dhow agagaarka Dooxada Jordan iyo xudduudda maamulka Israel.



