Aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday deegaanka ay Al-Qaacida ku xoog badan tahay ee dalka Yemen oo ay u badan tahay in ay shacab badan ku dhinteen in uu ahaa “mid aad looga fiirsaday”.
Ugu badnaan 23 ruux oo shacab ah ayaa lagu dilay weerarka oo ka dhacay tuulada ku taala gobolka Yakla Sabtidii, waxaana ka mid ahaa 10carruur ah sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha u ol’oleysa ee Reprieve.
Wararka Yemen ka imaanayana waxay sheegayaan in dadka ay waxyeeladu gaartay ay ka mid tahay gabadh uu dhalay Anwar Ak-awlaki oo ahaa nin malayshiyada ka mid ahaa oo lagu dilay weerar uu Maraykanku qaaday 2011kii.
Weerarkan cusub ayaa ahaa kii kowaad ee noociisa ah ee uu amro madaxweyne Donald Trump.
Milatariga Maraykanka ayaa markii hore sheegay in uu ku dhintay weerarkaas William ‘Ryan’ Owens oo 36 jir ah oo ka mid ahaa ciidammada badda ayna saddex kale ku dhaawac meen.
Laakiin taliska dhexe ayaa markii dambe sheegay in laga yaabo in dadka dhintay ay carruur ku jiraan.


