Man United ayaa la filaya iney maanta shaaciso in ciyaariyahankii hore ee kooxda Ole Gunnar Solskjaer uu noqon doono siihayaha tababaraha kooxda, inta ka dhiman xili ciyaareedkan, kadib markii ay shalay shaqada ka eryeen Jose Mourinho.
United ayaa durba boggeeda rasmiga ah ku baahisay muuqaalka goolkii uu Solskjaer dhaliyay final-kii koobka horyaalada yurub ee 1999, ciyaar ka dhacday Camp Nou.
Ra’iisul wasaaraha Norwey, Erna Solberg ayaa xalay twitter-keeda ku qortay iney maalin weyn u tahay kubbada cagta Norwey, madaama uu Solskjaer maamulaayo kooxda weyn ee Manchester. Ninkaan ayaa hada maamule ka ahaa kooxda Molde ee Norwey ,sidoo kale wuxuu soo maamulay kooxda Cardiff City.
Solskjaer oo jamaahiirta qaar ay u yaqaanaan nasiibkii Man United ayaa ku biiray kooxda Old Trafford sanadkii 1996, waxaana uu u saftay 366 kulan isagoo u dhaliyay 126 gool. Wuxuu kula guuleystay 6 horyaal, 2 FA Cup iyo 1 Champions League, wuxuuna kooxda ka tagay 2007.
United ayaa inta ka dhiman xili ciyaareedkan ka fakari doonta macalin mugleh, oo soo celin kara qiimihii kooxda, waxaana loo badinaya iney keeni doonto Zinedine Zidane ama Mauricio Pochettino midkood.
W/Q: Abdullahi Osman Farah



