Marcos Rojo iyo Morgan Schneiderlin ayaa shaki dhaawac ka qaba Manchester United ka hor kulanka final FA Cup ee Sabtida ciyaareyso.
Labada ciyaaryahan ayaa sida la sheegay aan ka mid aheyn safka United ee kulanka ugu dambeeya Premier League la qaadan doona kooxda Bournemouth.
Rojo ayaa la fahamsan yahay inuu dhawac ka soo gaaray tababarka halka Schneiderlin xanuun dheeri ah uu dareemayo weli.
labada xiddig ayaa laga yaabaa in ay seegaan kulanka ka dhanka ah kooxda Cherries habeen dambe.
sidookale shaki weyn ayaa laga qabaa in ay saftaan finalka FA Cup ee ka dhanka ah kooxda Crystal Palace kasoo ka dhici doona garoonka Wembley.


