Manchester City oo dhammeystirtay saxiixa Aymeric Laporte

30.1.18ÖÖ New Man City signing Aymeric Laporte leave his Manchester hotel on Tuesday morning.

Hogaamiyeyaasha horyaalka England Premier League kooxda Manchester City ayaa ku dhawaaqday saxiixa daafaca dambeedka dhexe ee reer France  Aymeric Laporte kaasoo uga soo biiray kooxda Athletic Bilbao.

Man City ayaa miiska saartay qiimaha 57da milyan oo ginni ah ee lagu burburin karay qandaraaska daaficii hore ee kooxda Athletic Bilbao, taasoo ka dhigan inuu Aymeric Laporte haatan yahay saxiixa ugu qaalisan taariikhda Man City.

Wuxuu rikoorkaan kala wareegay Kevin De Bruyne kaasoo ay Man City 55 milyan oo ginni uga soo iibsatay kooxda Wolfsburg ee dalka Jarmalka sannadkii 2015kii.

Laporte ayaa u sheegay website-ka Man City inuu ku faraxsan yahay kusoo biirista kooxda Sky Blues, wuxuuna ku tilmaamay mid ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan Yurub.

Tababaraha Man City Pep Guardiola ayaa wuxuu haatan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ku qarash gareeyey 400 milyan oo ginni tan iyo markii uu qabtay Man City sannadkii 2016kii, waxaana uu 190 milyan oo ginni oo lacagtaas ka mid ah ku qarash gareeyey saxiixa daafacyo cusub oo uu kooxda keenay labadii kal ee ugu dambeeyey suuqa kala iibsiga.