Manchester City iyo Real Madrid oo ku dagaalami doona Harry Kane

Manchester City iyo Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarinayaan inay ku dagaalamaan saxiixa weeraryahanka Tottenham Hotspur Harry Kane inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kabtanka England ayaa dhawaan ka dhawaajiyay inuu u muuqdo mid ka tagi kara Spurs mustaqbalka dhow.

Manchester United ayaa loo tixgaliyay inay tahay kooxda ugu macquulsan ee uu ku biiri karo, laakiin Red Devils ayaa la sheegay inay qaboojisay xiisaheedii maalmihii ugu dambeeyay si ay diirada u saaraan bartilmaameedyada kale.

Sida laga soo xigtay The Express, City iyo Madrid ayay u badan tahay inay u dagaalamaan 26 jirkaan, kaasoo dhaawac garoomada uga maqnaa tan iyo markii uu dhaawac muruqa ah soo gaaray Maalinta ugu horeysay Sannadka Cusub.

Kane – oo ay macquul tahay in lagu helo 150 milyan ginni – ayaa 17 gool u dhaliyay koxodiisa 25 kulan oo uu saftay kooxda Jose Mourinho xilli ciyaareedkan, halka uu dhaliyay 181 gool 278 kulan uu u saftay kooxdiisa London ka dhisan tartamada oo dhan.

Spurs ayaa ku jirta meel adag marka ay timaaddo wadahadal kasta oo dhici kara, in kasta oo uu qadaraaskisu socan doono illaa xagaaga 2024.

Barcelona & Paris Saint-Germain oo hogaamineysa loolanka loogu jiro ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Chelsea Willian

Barcelona iyo Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay safka hore kaga jiraan kooxaha doonaya saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Chelsea Willian.

Xiddiga reer Brazil ayaa lagu wadaa inuu noqdo mid xor ah dhamaadka xilli ciyaareedkan ka dib markii uu ku guuldareystay inuu heshiis cusub la gaaro Blues.

Arsenal iyo Tottenham Hotspur ayaa la rumeysan yahay inay doonayaan inay siiyaan Willian heshiis labo sano ah, laakiin waxay haatan tartan kala kulmayaan labo ka mid ah kooxaha waa weyn ee Yurub.

Wargayska ka soo baxa dalka Spain ee Mundo Deportivo ayaa sheegaya in Barcelona iyo PSG ay si dhaw isha ugu hayaan 31 jirkaan si ay ula soo wareegaan marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in labada dhinacba ay aamisan yihiin in xiddigu wax weyn ku soo kordhin karo kooxdooda sabab la xiriirta qaab ciyaareedkiisa wanaagsan.

Si kastaba ha ahaatee, Willian ayaa shaaca ka qaaday isbuucii hore inuu doorbidi lahaa inuu sii joogo Premier League, halkaasoo uu todobadii sano ee lasoo dhaafay kula qaatay Chelsea.