Man United & Real Madrid oo tartan u galaya xidig Caan ah

Kooxaha Manchester United iyo Real Madrid ayaa dagaal toos ah ku gali doona saxiixa xidiga khadka dhexe ee xulka qaranka Denmark iyo kooxda Tottenham ee Christian Eriksen. Real Madrid ayaa go’aan ku gaadhay in ayna Pual Pogba ku bixin lacagta waalida ah ee ay United ku doonayso, waxayna Christian Eriksen u arkaan xidig tayo sare leh oo waliba qiimo aad uga hooseeya Pogba lagu heli karo.

Laakiin Manchester United ayaa baritlmaameedka kowaad ka dhigatay saxiixa Christian Eriksen iyada oo waliba diyaar u ah in ay u saddex jibaarto mushaarka uu hadda ka qaato kooxdiisa Tottenham. Heshiiska Christian Eriksen ayuu sanad kaliya ka harsanaan doonaa marka la soo gaadhay bisha June ee sanadkan.

Wargayska Daily Mirror ayaa shaaciyay in Man United ay doonayso sidii ay Christian Eriksen uga dhigan lahayd muhiimada kowaad ee suuqeeda xagaaga isla markaana uu todobaadkii mushaar u qaadan doono £240,000 kun oo gini haddii uu aqbalo in uu Old Trafford ku soo biiro.