Manchester United ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay heshiis cusub ka saxiixatay xidiga kooxdeeda ee Jesse Lingard kadib markii uu ogolaaday in uu waayihiisa ciyaareed ku sii qaato Old Traffrod. Lingard oo 24 sano jir ah ayaa qayb ka sii ahaan doona qorshaha waqtiga dheer ee Manchester United kadib markii uu si rasmi ah qalinga ugu duuqay heshiiska cusub ee ay kooxdiisu u soo bandhigtay.
Lingard oo la hadlay MUTV ayaa farxad wayn ka muujiyay in uu waayihiisa ciyaareed ka sii wadan doono Manchester United oo uu ka soo baxay xarunteeda barbaarinta da’yarta. Lingard ayaa sheegay in isaga iyo qoyskiisu ay si adag uga soo shaqeeyeen in uu joogo kooxda kowaad ee Manchester United.Lingard ayaa saxiixay heshiis cusub oo afar sanadood ah.
Lingard oo la hadlayay MUTV ayaa yidhi: “Xaqiiqadii anigu aad ayaan u faraxsanahay. Aniga iyo qoyskaygu si adag ayaanu uga soo shaqaynay in aan imaado halkan aan joogo, isla markaana shaqada adag ayaa markale hadda bilaamaysa. Aniga wax wayn ayay ii tahay, iyagu(taageerayaashu) wax walba ayay aniga isoo siiyeen “.



