Man United iyo PSG oo doonaya C.Ronaldo

Cristiano Ronaldo ayaa dalabyo waa weyn ka helayo kooxaha Yurub — hase ahaatee ma ahan qiimaha aad isleedahay.

Xidiga Real Madrid ayaa haatan dalabyo waa weyn ka helaya kooxda PSG iyo kooxdiisii hore ee Man United, waxaana ay  ku doonayaan £48million — sidaas waxaa sheegaya wargeyska Spain kasoo baxa ee Sport.

Lacagtan ayaa ah mid aad uga yar tii uu xidigan ugu biiray Real Madrid sanadkii 2019-kii.

Hase  ahaatee 31-jirkaan, Ronaldo ayaa dib loo iibin doonaa hase ahaatee ma ahan lacagtaas midii la filayay.

Haatan heshiiskiisa waxaa uu ku egyahay 2018-ka, kooxda Los Blancos ayaana dooneysa iney iska iibiso inta qiimahiisa uusan hoos udhicin.

Ronaldo waxaa uu aad udoonayaa inuu heshiis kale oo weyn uu sameeyo kahor inta uusan kubada cagta ka fariisan.

Xidigan ayaa dhaliyay 42 gool xili ciyaareedkan, halka dhamaan tartamada xili ciyaareedkii hore uu dhaliyay 61 gool.

Manchester United ayaa wali dooneysa iney dib usoo ceshato xiidgii ay lacagta badan isaga iibisay sanadkii 2009-kii.

Si kastaba, naadiga Paris ka dhisan ee PSG ayaa la aamisan yahay iney lacag badan ku dooneyso ciyaaryahankan heerka caalami.

Wargeyska Catalan-ka kasoo baxa ee Sport ayaa sheegaya in Jorge Mendes oo ah wakiilka Ronaldo uu haatan wadahadalo kula jiro kooxda ka dhisan Bernabeu, si uu u ogaado hadii heshiis cusub ay ka helayaan Real.