Maleeshiyo Beeleed mar kale ku dagaalamay Gobolka Hiiraan

Wararka Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Maleeshiyo u abaabulan qaab beeleed ay ku dagaalameyn mar kale galabta orax dhicii deegaano hoostago gobalkaasi.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalka galabta bilaawday uu ka dhashay dhimashada 12 ruux sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka uu dagaalka ka dhacay oo ku dhaw degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalkaan galabta bilaawday ayaa kusoo aadaya xili ay gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo tiro xildhibaano ah ay ku baxeyn deegaanada uu dagaallka ka bilaawday, si ay u kala qaadaan maleeshiyada dagaalamaya.

Gobolka Hiiraan waxaa kusoo noq noqday dagaalada u dhaxeeya Beelaha deegaanada gobolkaasi wada dega, kuwaasi oo badi isku dagaala beero iyo xoollo.