Qiimeyn ay Qaramada Midoobay taageerto ayaa lagu sheegay in dadka Gaza ku nool oo gaaraya 2.1 milyan oo Falastiiniyiin ah ay halis weyn ugu jiraan macaluul ayna soo food saartay “cuno yari aad u daran” iyadoo ay sii socoto go’doominta Israa’iil ee gargaarka bini’aadantinimo.
Warbixintii ugu dambeysay ee ay soo saartay hay’adda Isku-dhafka Haqab-beelka Cunnada (IPC) ayaa sheegtay in ay jirtay “xaaldda oo si weyn usii xumaaneysa ” tan iyo Oktoobar 2024”
Xabbad joojintii labada bilood ahayd ee u dhaxaysay Israa’iil iyo Xamaas “waxay keentay in si ku meel gaadh ah loo nasiyo” Gaza, ayaa warbixinta lagu sheegay, laakiin colaadaha soo cusboonaaday iyo go’doominta Israa’iil ee gargaarka – oo socday tan iyo horraantii bishii Maarso – ayaa “badashay” wixii horumar ahaa.
Waxa jiray cambaareyn caalami ah oo loo jeedinayo go’doominta, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay oo sheegtay in ay sahaydu ay ku hayso marinnada xadka Gaza, taas oo diyaar u ah in la galiya haddii Israel ogolaato. Hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in go’doominta ay noqon karto dambi dagaal ayna ka dhigan tahay siyaasad gaajeysiin ah.
Qiimaynta IPC, oo la sii daayay Isniintii, ayaa lagu ogaaday in nus milyan qof – ama mid ka mid ah shantii qof- ay wajahayaan macaluul Gaza. Waxa ay sheegtay in ku dhawaad 71,000 oo caruur ah oo ay da’doodu ka yar tahay shan sano la filayo in ay soo wajahdo nafaqo darro ba’an 11ka bilood ee soo socda ilaa Abriil 2026.



