Shirweynihii 1aad ee Urur Siyaasadeedka Dan Qaran oo si Guul leh loogu Qabtay Muqdisho

WAR-SAXAAFADEED

Shirweynihii 1aad ee Urur Siyaasadeedka Dan Qaran oo si Guul leh Loogu Qabtay Muqdisho

Muqdisho, 12-ka Maajo 2025 – Urur Siyaasadeedka Dan Qaran ayaa si rasmi ah u qabtay Shirweynihii Guud ee 1aad, kaasoo ka dhacay magaalada Muqdisho, una ahaa mid taariikhi ah oo xambaarsanaa himilo qaran oo cusub.

Shirweynahan waxaa kasoo qeybgalay in ka badan 1,000 ergo, oo matalayay:

Laamaha ururka ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisa;
Garabyada bulshada sida *ururrada haweenka, dhallinyarada, iyo xirfadlayaasha; Odayaasha dhaqanka, culimaa’uddiinka, iyo marti sharaf ka kala socotay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Shirweynaha ayaa socday jawi nabdoon, furfuran, oo dimoqraadi ah, waxaana si rasmi ah loogu guda galay arrimaha aas-aaska u ah dhismaha ururka.

Qodobada Muhiimka ah ee Lagu Ansixiyay Shirweynaha:

1. Dastuurka Urur Siyaasadeedka Dan Qaran ayaa si buuxda loo ansixiyay, isagoo sal u ah hannaanka sharciyeed, siyaasadeed, iyo maamul ee ururka.
2. Waxaa la ansixiyay shan xeer oo waaweyn oo kala ah:

– Xeerka Doorashooyinka
– ⁠Xeerka Maamulka Maaliyadda
– ⁠Xeerka Shaqaalaha Xisbiga
– ⁠Xeerka Anshaxa
– Xeerka Xallinta Khilaafaadka⁠

Waxaa sidoo kale la qabtay doorashada hoggaanka sare ee ururka, waxaana la doortay Guddoomiye, Guddoomiye Ku-xigeen, iyo Xoghaye Guud.

4. ⁠Waxaa la qabtay doorashada hoggaanka sare ee ururka, waxaana la *doortay Guddoomiye, Guddoomiye Ku-xigeen, iyo Xoghaye Guud*.

4. Waxaa sidoo kale la doortay xubnaha Golaha Dhexe, oo metelaya laamaha, bulshada, iyo garabyada taageersan ururka.

Waxaa uu shirweynaha go’aammiyay:

In Ururka dib looga diiwaangeliyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka, si waafaqsan shuruucda dalka ee doorashooyinka iyo ururrada siyaasadda.
* In la xoojiyo matalaadda ururka heer gobol, degmo, iyo qurbajoogta, lana dar-dargeliyo hawlaha abaabul iyo wacyigelin.
In la bilaabo olole lagu kobcinayo aragtida siyaasadeed, dimoqraadiyadda, iyo doorka shacabka Soomaaliyeed ee dhismaha dowladnimada.

### Gunaanad:

Shirweynuhu wuxuu ku dhammaaday jawi kalgacal iyo is-aamin ku saleysan, iyadoo lagu ballamay in hoggaanka cusub iyo Golaha Dhexe ay hogaamiyaan ururka si waafaqsan mabaadi’da dastuurka iyo rabitaanka xubnaha.

Urur Siyaasadeedka Dan Qaran wuxuu markale adkeynayaa ballanqaadkiisa ah in uu ka shaqeyn doono dimoqraadiyad ku saleysan mas’uuliyad qaran, midnimo bulsho, iyo dowladnimo hufan.

**DHAMMAAD**