Daawo: Malaayiin Qof oo isugu soo baxay Turkiga

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa khudbad ka jeediyay in kabadan hal milyan oo qof oo isugu soo baxay magaalada Istaanbuul si ay cambaareeyaan inqilaabkii milatari ee fashilmay bisii hore.

Si loo muujiyo midnimada dalkaasi ayaa madaxweyne Erdogan waxaa garab taaganaa hoggaamiyeyaasha labada xisbi ee ugu waaweyn mucaaradka dalkaasi iyo madaxa ciidamada qalabka sida.

Madaxweynaha ayaa dad tiro badan oo lulaya calanka dalkaasi waxa uu u sheegay in uu dib u soo celin doono xukunkii dilka ahaa ee 1984-kii laga mamnuucay dalkaasi, waa haddii buu yiri baaralamanka uu arrintaasi ansixiyo.

Jarmalka ayaa Turkiga uga digay arrintaasi, isaga oo sheegay in haddii sharcigaasi la sooc eliyo ay arrintaasi soo afjarayso rajada Turkiga uu ka qabo in uu ku biro midowga Yurub.

Madaxweyne Erdogan ayaa khudbaddiisa ku sheegay in dalka laga nadiifin doono taageerayaasha wadaadka Fatxulah Gulen ee fadhigiisu yahay mareykanka. Wadaadkan ayaa dhowr jeer ooh ore beeniyay in uu soo abaabulay inqilaabkaasi milatari.

q1 q2 q3 q4 q5 q6 q7 q8