Mucaaradka dalka Suuriya ee ku sugan magaalada Xalab ayaa lagu soo waramayaa in duqeymo xooggan oo dhanka cirka ah ay kala kulmayaan xoogagga dowladda kaddib markii ay u suurtagashay in ay gargaar bani’aadanimo gaarsiiyaan deegaanada ay ka taliyaan.
Ciidamada dowladda ayaa u muuqda in ay doonayaan in ay dib isu abaabulayaan si ay isugu dayaan in ay ka hortagaan mucaaradka oo horumar kale halkaasi ka sameeyo.
Dhanka kale, isbahaysiga mucaaradka dalkaasi ee qayb ahaan magaalada Ramosaf ka dul qaaday xayiraaddii saarnayd ayaa waxa ay sheegayana in ay doonayaan in ay qaadaan weerar xooggan oo ay gebi ahaanba kula wareegayaan magaaladaasi.
Dowladda Suuriya ayaa beenisay in mucaaradku uu halkaasi guul ka gaaray, waxa ayna intaasi ku dareysaa in xayiraaddii saarnayd Xalab ay wali sideedi tahay.