Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa sheegay maqaamka Muqdisho in loo xilsaaray Guddi Wasiiro ah oo ka soo shaqeyn doona arintaasi.
Madasha Wadatashiga Qaran ayaa weli waxa aysan cadeynin maqaamka magaalada Muqdisho.
Dadka reer Muqdisho iyo siyaasiyiinta ayaa weli ku doodaya in dowladda Soomaaliya looga baahn yahay in ay cadeyso arintaasi.
Guddigan oo aan la ogeyn xilliga rasmiga ah ee laga doonayo in ay cadeeyaan maqaamka magaalada Muqdisho ayaa waxaa suuragal ah iyadoo hada dalka uu galayo kala guur sidoo kalena la filayo in dalka ay ka dhcado Doorasho in maqaamka Muqdisho ay dowladdu sidaa ku ilowdo.


