Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub u fadhiya dalka Soomaaliya Cali Saciid Fiqi ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay warar dhowaanahan warbaahinta caalamka iyo kuwa Soomaalida ay baahiyeen kaasi oo ku saleysan safaarada Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Brussels ee dalka Belgiumka-ka in lagu sameeyo Baasaboorka dalka laguna iibiyo.
Safiirka ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid waxba kama jiraan sidoo kalena ay wadaan baaritaano ku aadan arintan.
Cali Saciid Fiqi Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub u fadhiya dalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in aysan marnaba dhici doonin Musuq Maasuq ku aadan in Baasaboorka Soomaaliya si qarsoodi ah loo bixiyo.


