Mahad Maxamed Salaad oo ku guuleystay kursiga Baarlamaanka

Cadaado-RisaalaFM- Mahad Maxamed Salaad oo ah Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay kursiga Baarlamaanka Aqalka Hoose ee ka imaanaya Deegaanada Galmdug.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ayaa helay codad gaaraya 40 cod, sida Guddoonka Baarlamaanka Maamulkaasi uu shaaciyay.

Waxa uu ka mid noqday Xubnaha Aqalka Hoose ee ka imaanaya Deeganada Maamulka Galmudug.

Kursiga uu ku guuleystay Mahad Maxamed Salaad ayaa ah kursiga labaad ee Aqalka Hoose Maamulka Galmudug, iyadoo doorashada weli ay ka socoto Magaalada Cadaado  ee xarunta KMG-ka ah ee Maamulka Galmudug.

Dhanka kale Qaasim Maxamed Jaamac ayaa ku guuleystay kursiga Saddexaad ee xidlhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Deegaanada Galmudug, waxaana uu qaab gacan taag ah uu ku helay codad gaaraya 51, kadib markii uu tanaasulay shaqsigii la tartamayay.

Ugu dambeyntii Kursiga Koowaad ee xidlhibaanada Aqalka Hoose ee Maamulka Galmdug waxaa ku soo baxay Ganacsade Siciid Nuur Qayliye oo helay 51 cod.