Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukuntay Saddex eedeeysanye oo loo haystay in ay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab.
Saddexdan Nin oo lagu soo qabtay howlgal ay Ciidamadu ka sameeyeen Xaafado ka mid ah Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir, ayay Maxkamaddu u fariisatay dacwaddooda maanta.
Yaxye Cusmaan Qaasim oo ka mid ahaa tuhmanayaasha ayaa lasii daayay markii wax marqaati ah loo waayay eedeyntiisa, waxaana ay Maxkamaddu min Siddeed Sano oo Xabsi Ciidan ah ku xukuntay C/laahi Axmed Cali iyo Yuusuf Nuur Sheekh Axmed.


