Kismaayo-RisaalaFM- Wajiga Saddexaad ee Doorashooyinka xildhibaanada Aqalka Hoose ee maanta ka bilowday Magaalada Kismaayo ayaa la soo gaba gabeeyay, iyadoo ay ku guuleysteen illaa 7 xildhibaan.
Ergooyinka ku sugan Kismaayo ayaa soo dooranaya shaqsiyaadka ay u arkaan in ay u qalmaan ka mid noqoshada Baarlamaanka cusub ee soo socda.
Doorashooyinkan oo saakay bilowday waxaa maanta ku soo baxay 7 xildhibaan kuwaas oo kala ah.
- Haashim Nuur Aadan
- Maxamed Cali Cumar (Caana nuug)
- Maxamed Cali Xuseen
- Jibriil C/rashiid Xaaji
- C/laahi AbuukarXaaji
- C/qaadir Aaden Nuur
- Xasan Cabdi Ismaaciil.
Shalay iyo maalinkii ka horeysay Magaalada Kismaayo waxaa lagu doortay 14 Xubnood oo la xaqiijiyay in ay ka mid noqdeen Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.


