Cadaado-RisaalaFM- Magaalada Cadaado ee xarunta ee KMG-ka ah ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa ka bilaabatay Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Deegaanada Galmudug.
Hoolka ay Munaasabada ka socoto ayaa waxaa ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug, Guddiga Doorashooyinka Galmudug, iyo xubno kale.
Sidoo kale waxaa goobta ku sugan Musharaxiinta u tartameysa maanta xubnaha xildhibaanada Aqalak Hoose, si ay ula socdaan qaabka ay u dhaceyso Doorashada.
Yuusuf Diiriye Maxamuud Afhayeenka oo ah Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Maamulka Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay Doorashada inta ugu badan in ay bilaaban doonto maalinta Sabtida ah, balse hada hordhac ahaan ay u sii bilaabeen.
Sidoo kale waxa uu sheegay in maanta la dooran doono Saddex xildhibaan oo ka mid noqda xildhibaanada Aqalka Hoose, isagoo sidoo kale sheegay 8 Xubnood in la dooran doono maalinta Sabtida


