Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho maanta waxaa mar kale ka dhacday Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi, waxaana la doortay 4 kursi.
Afarta kursi ee maanta lagu doortay Magaalada Muqdisho ayaa labo ka mid ah ay ahaayeen Haween, halka labada kalena ay ahaayeen Rag.
Xubnaha maanta la doortay ayaa waxa ay kala yihiin:-
- Sahra Yuusuf Cige oo heshay 38 cod.
- Faadumo Odawaa Raagge oo heshay 47 cod.
- C/raxmaan Iidaan Yoonis oo helay 36 cod.
- Cabdalla Xaaji Cali oo helay 31 cod.



