Magacyada Musharaxiin Madaxweyne oo la diiwaan geliyay

Muqdisho-RisaalaFM- Guddiga Doorashada Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxay illaa iyo hadda ay diiwaan-geliyeen afar ka mid ah musharaxiinta u taagan jegada madaxtinimada dalka.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo fadhigeedu uu yahay Xarunta Villa Hargeisa, oo ku dhex taala Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, ayaa waxaa Khamiistii si rasmi ah uga bilowday diiwaan-gelinta musharaxiinta.

Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somaliya, ayaa noqday musharaxii ugu horeeyay ee la diiwaan-geliyo. Musharaxa labaad, ayaa waxaa noqday C/qaadir Cosoble Cali, iyadoo Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya uu noqday musharaxii saddexaad, halka Maxamed Maxamuud Culusow uu noqday musharaxii afaraad ee isa soo diiwaan-geliya.

Musharax kasta oo u taagan madaxtinimada dalka, ayaa sharuudda ugu adag ee hor taala waxaa weeye in uu bixiyo lacagta is diiwaan-gelinta, oo cadadkeeda lagu sheegay soddon kun oo lacagta Mareykanka ($30,000).