Magacyada Afar nin oo ay Shabaab toogteen

Al-Shabaab ayaa shalay Gelinkii dambe waxaa ay degmada jamaame ee gobolka Jubadda Hoose waxaa ay ku toogteen 4 nin ay ku eedeeyeen in ay Jaajuusiin u ahaayeen maamulka Jubbaland, dowladda Soomaaliya, iyo sidoo kale dowladda Mareykanka.

Ragga lagu toogtay  Fagaaraha Degmada Jamaame, ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Siyaad Cali Cabdi 26 jir, C/laahi Cali Xasan 26 jir, Axmed Ibraahim Hire 28 jir iyo Yuusuf Makaraan Maxamed 58 jir.

Maxkamad ay leeyihiin Al-Shabaab ayaa raggaan ku eedeeysay in ay ahaayeen Basaasiin.

Al-Shabaab ayaa inta badan toogta ama Gowraca dadka ay ku eedeeyaan in ay la Shaqeeyaan dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamulada ka jira dalka .

Afhayeenka laamaha amniga Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in dadka la dilay ay ahaayeen shacab , islamarkaana aysan la shaqeyn jirin  dowladda iyo Jubbaland Midna