Monaco, Leverkusen, Real Madrid, Leicester iyo Juventus ayaa dhamaan xalay iska xaadiriyay wareega 16 Champions League, halka Lyon, FCK , Sevilla iyo Porto ay qasaariyeen fursad ay kusoo bixi kareen.
wareega 16 kooxaha ila hadda xaqiijistay ayaa kala: Arsenal, Atlético Madrid, Bayer Leverkusen, Bayern München, Borussia Dortmund, Juventus, Leicester City , Monaco, Paris Saint-Germain, Real Madrid.
Sidookale kooxaha la xaqiijiyay in ay ku hareen wareega Group-yada UEFA Champions League xili ciyaareedkaan ayaa waxaa kamid ah, Basel, CSKA Moskva, Club Brugge, Dinamo Zagreb, Legia Warszawa, Ludogorets Razgrad, PSV Eindhoven, Rostov, CP Sporting, Hotspur Tottenham.
Caawa ayaa la sugaya in kooxo ay kamid yihiin Barcelona iyo Manchester City kusoo biiraan kooxaha usoo gudbay wareega 16ka, halka kuwo kalana ay hari doonaan.


