Madaxweynihii 41-aad ee Mareykanka oo geeriyooday

Madaxweynihii hore ee Mareykanka George HW Bush ayaa ku dhintay da’da 94 jir, wiilkiisa  ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geeridiisa.

Waxa uu ahaa madaxweyne  intii u dhaxeysay 1989 iyo 1993 labo jeerna waxaa uu soo noqday Madaxweyne ku xigeen.

Waxaa uu ahaa Madaxweynihii 41-aad ee Mareykanka, waxaana uu ka mid ahaa Madaxda ugu go’aanka adkaa ee soo mara Mareykanka.

Bush ayaa siyaasada  soo galay sannadkii 1964 ka dib markii uu bilaabay ganacsiga  saliida ee Texan  ,isaga oo 40 sano jir ah ayuu Noqday taajir.