Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo booqday dhaawacyada ku jira Isbitaal Madiina (Sawiro)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta booqday dhaawacyadii Isbitaalka Madiina la geeyay ee shalay ku dhaawacmay Qaraxyadii ka dhacay Hoteelka Dayax.

Shariif Sheekh Axmed ayaa dhaawacyada mid mid u booqday lana kulmay maamulka Isbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf oo uga warbixiyey xaaladda bukaanada Isbitaalka la keenay maadama dhaawacyadii ugu badan lagu baxnaaninaayo isbitaalka Madiina.

Shariif Sheekh Axmed oo ah Musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hor booqashada uu ku tagay Isbitaalka Madiina iska soo diiwaan geliyey xarunta guddiga doorashada madaxweynaha ee Villa Hargeysa.

 

IMG_0135 IMG_0136 IMG_0137 IMG_0138 IMG_0139 IMG_0140