Dagaalyahano ka tirsan kooxda Boko Haram ee ka dagaalanka dalka Nigeria ayaa la sheegay in lagu tababaray dalka Soomaaliya oo ku yaala xeebaha bariga qaarada Africa, iyaga oo ku laabta galbeedka dalka Africa, sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa Axadii Shalay Hadalkaan ka sheegay magaalada Munich ee dalka Germany oo uu ka socdo shirka dhanka amaanka, isaga oo sheegay iney ka warhayaan in dagaalyahanada ka tirsan Boko Haram Soomaaliya lagu tababaro.
Xasan Sheikh Maxamuud, madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in dagaalka siyaasadeed, musuqmaasuqa iyo weerarada Alshabaab geysan jireen la yareeyay, lana abuuray hayado ka shaqeeyay nidaamka siyaasada dalka.
“Soomaaliya oo aan xasilooni helin, gobolka geeska Africa dhibaato ayuu ku jirayaa, waxaan heynaa cadeymo in kooxda Boko Haram tababar ku qaateen Soomaaliya ayna ku laabteen dalka Nigeria”ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.
“Kooxaha Al-shabaab iyo Boko Haram wey isku xiran yihiin, sidaasi si lamid ah caalamka waxaa laga doonayaa iney u midoobaan oo ay la dagaalamaan kooxahaasi”ayuu hadalkiisa kusii daray madaxweyne Xasan Sheikh oo ka hadlayay kulanka amaanka ee ka socdo dalka Germany.
Madaxweyne Xasan Sheikh, ayaanan si cad u sheegin in wali la aamisan yahay in Alshabaab ay tababar siiyaan kooxda Boko Haram dagaalyahanadooda kuwaasi oo horey u shaaciyay iney Daacish ku biireen.


