Waxaa maanta xarunta golaha shacabka ka furmaya kalfadhigga 6-aad ee labada Aqal Baarlamaanka Soomaaliya,Waxaana horey Guddoonka Baarlamaanka ay u yeereen Xildhibaannada & Senatarrada Ku wargeliyay in ay soo xaadiraan kulanka BFS .
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furaya kalfadhigga, isagoo ka jeedi doona khudbad la wada sugayo.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in kulanka maanta uu ka jeediyo khudbad xasaasi ah, wuxuu mar kale si adag uga hadli doonaa la dagaalka Al-shabaab iyo Daacish, doorashada qof iyo cod ah iyo arrimo kale oo masiiri ah.
Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa 24 saac ee ugu dambeeyay kulamo gaar gaar ah la qaatay Xildhibaannada iyo Senatarada Baarlamaanka Federaalka, ka hor furitaanka Kalfadhiga 6aad ee maanta.
Dhinacyada ayaa kulankooda waxaa uu ku saabsanaa in ay iska xog wareystaan marxalada siyaasadeed ee uu xiligan marayo dalka.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaya Soomaaliya uu saddex qodob kala hadlay Xildhibaannada, sida arrinta doorashada qof iyo cod, dagaalka Argagixisada iyo guuxa mooshinka la qorsheeyay in laga keeno Xukuumadda, isagoo xusay in mar kasta oo Baarlamaanka fasax ka soo laabto ay caado aheyd mooshin in la keeno.
Madaxweynaha ayaa xildhibaanada u sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.
Kalfadhigan 6aad ee baarlamaanka ayaa waxaa uu ka duwanaan doonaa kalfadhiyadii hore, maadaama uu yahay kan ugu dambeeya ee awooddaha Baarlamaanka, waxaana muddo xileedka baarlamaanka xiligan ka harsan hal sano.



