Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shir aan caadi aheyn oo ka dhacaya Tanzania.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda kale ee geeska Africa ayaa ka qeyb galaya shirka aan caadi aheyn oo ka dhacaya magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania, kaasi oo looga hadli doono colaada ka taagan Jamhuuriyada Demoqoraadiga ah ee Congo.

Madaxweynaha dalka Kenya Wiliam Ruto ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku howlanahaa xal u helida dagaalka ka socda bariga Congo, halkaasi oo ay ku dagaalamayaan ciidamada ammaanka Congo iyo Jabhada hubeysan ee M23.

Madaxda Ka qeyb galayso shirka ayaa waxaa ka mid ah madaxweyneyaasha Kenya, Uganda, Tanzania, Rwanda, iyo Koofur Afrika.

Madaxweynaha Kenya ayaa xaqiijiyay in madaxda ay shirkooda ugu doodi doonaan siddii xal deg deg ah looga gaari lahaa dagaalka ka soo cusboonaaday dalka Congo.

Madaxxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedin doono shirka aan caadiga ahayn ee Madaxda Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaasi oo kaga hadli doono dhibaatada ay leedahay colaada sokeeye.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagi doono waayo aragnimada Soomaaliya ee colaadaha sokeeye iyo cawaaqib xumada ka dhalata iyo sida ugu wanaagsan ay dhinacyada colaadooda u xalin karaan.

Inta uu joogga madaxweyne Xasan Sheekh dalka Tanzania waxaa uu kulamo uu la qaadan doonaa madaxda ka qeyb galaysa Shirka.

Urur goboleedyada Koofurta iyo Bariga Africa ayaa todobaadkaan ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamaya Congo shir deg deg ah, kaas oo ay dowladuhu ku dalba doonaan xabbad joojin.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in madaxweynayaasha Congo iyo Rwanda ka soo qeyb gali doonaan shirkaasi.

Dagaalka ka soconaya dalka Conga ayaa u dhaxeeyay jabhadda M23 iyo ciidamada ammaanka ee dalkaasi, iyadoona dagaalka ay ku dhinteen 900 oo qof sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.