Ciidanka ammaanka Puntland ayaa deegaanka Xeebeedka Qaw ee gobolka Bari ku qabtay doonni sidey tuute iyo agab ciidan, waxaana baaritaan ku wada hay’adaha ku shaqada leh sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Taliska hawlgalka la dagaalanka argagixisada Puntland.
War ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland ayaa lagu sheegay in doontaasi iyo raggii watay oo dhammaantood Soomaali ah lagu qabtay xeebta degaanka Qaw oo ka tirsan degmada Boosaaso.
“Ciidanku waxay gacanta ku hayaan oo baaritaan kuwadaan, Doon waday Tuute iyo Agabkale oo Ciidan iyo ragii watay, Doonta oo Raga wata ay Soomaali yihiin waxa laga qabtay Biyaha deegaanka Qaw ee Gobolka Bari” ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay Puntland.
Tan iyo markii uu bilowday Hawlgalka buuraha Calmiskaad ee ka dhanka ah kooxda Daacish Puntland, waxay ciidamo dheeri ah ay geysay dhammaan degaannada xeebaha Gobolka Bari si loo go’doomiyo saadka dhinaca badda uga yimaada kooxdaasi.
Ciidamada Puntland ayaa heegan sare la geliyay tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, iyadoona xubno badan oo ka baxasanaya duqeymaha ka socda gobolka Bari ay halkaasi ka baxsanayaan, balse ciidamada ammaanka ay ku raadjoogaan sida uu Risaala u sheegay Afhayeenka ciidamada difaaca ee Puntland Maxamuud Maxamed Axmed.
Gobolka Bari ayaa waxaa haatan si xowli ah uga socda howl-galka Hilaac ee ciribtirka kooxda argagixisada ee Daacish oo ku dhuumalaysata buuralleyda fog ee Calmiskaad.



