Wararka ka imaanaya gobolka gedo ayaa sheegaya In cidiamada Jubbaland ay dib ula wareegeen xarunta degmada Baardheere gobolkaasi.
Guddomiyaha Bardheere Dowladda Faderaalka ah u qaabilsanaa degmada ayaa horey ugu sugnaa xarunta, inkastoo saaka la sheegay inuu isaga baxay.
Xaalada cabsi ah ayaa ka jirta degmada baardheere gobolka Gedo, taasi oo ku aadan is qab qabsi maamul.
Guddomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada Degmada Baardhere Xuseen Cabdullaahi Xalane ayaa ku dhawaaqay in Gacanta Maamulka Jubbaland ay dib ugu soo celiyeen Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Degmada Bardheere ayaa cagaha la sii gashay xiisad siyaadeed, maadaama horey khilaaf ku aadan garoonka degmada Baardheere uu halkaasi ka taagnaa, taasi oo keentay ciidamada DF iyo kuwa Jubbaland ee halkaasi ku sugan ay ku dagaalameen.



