Madaxweyne Qoorqoor oo dalbaday in la taageero heshiiskii doorashooyinka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo khudbad ka jeediyay xafladda xiritaanka shirkii Muqdisho, ayaa ka hadlay arrima kala duwan.

Madaxweyne Qoor Qoor, ayaa si guud ugu mahadceliyay Madaxda iyo wufuudii kasoo qeybgashay Shirka, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo sida uu sheegay  muujiyay odaytinimo iyo tanaasul muddadii uu socday shirka wadatashi.

Mudane Qoor Qoor, ayaa sheegay in ay  muhiim tahay in ay dalka ka dhacdo doorasho ku qabsoonta waqtigeeda, waxaana uu bogaadiyay Heshiiska Arrimaha Doorashada ee lagu gaaray Muqdisho.

Madaxweyne Galmudug, wuxuu ugu danbeyntii ka codsaday dhammaan dadka soomaaliyeed in ay soo dhaweeyaan heshiiskaan taariikhiga ah oo laga gaaray Hannaanka Doorashada Dalka.