Madaxweyne Laftagareen oo Ciidamo kala soo degay Garoonka Aadan-Cadde

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweyey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah ka qeybgalka Shirk Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wado inuu ka furmo Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka kaasi oo looga hadli doono Xaaladaha guud ee ka jira Dalka

Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Labadda Aqal ee Baarlamaanka Dalka iyo Siyaasiyiin ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho kuso dhoweyey Wafdiga Madaxweyne Laftagareen uu Hogaaminayey.