Waxaa dhawaan Magaalada Garoowe lagu doortay Madaxweyne ku xigeenka cusub ee maamulka Puntland.
Waxaana xildhibaanada maamulkaasi ay madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi u doorteyn Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) madaxweynihii hore ee Khaatumo.
Madaxweyne Dani iyo ku xigeenkiisa Karaash ayaa waxaa hor yaalla xaalad siyaasadeed oo aad u cakirin lamana oga mowqifka ay ka qaadan doonaan golaha iskaashiga dowlad goboleedyada, oo xiisad siyaasadeed kala dhaxeyso dowladda dhexe ee Soomaaliya.



