Cadaado-RisaalaFM- Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) ayaa xarunta Madaxtooyada Galmudug ee magaalada Cadaado kula kulmay wafdi ka socday Hay’adda UNDP-da.
Sidoo kale kulanka waxaa qeyb ka ahaa Guddoonka Baarlamaanka maamulka Galmudug, qaar ka tirsan xildhibaanada maamulkaasi iyo xubno kale.
Madaxda Galmudug ee kulanka la qaatay wafdiga ka socday UNDP-da ayaa kala hadlay sidii ay maamulka uga caawin lahaayeen arrimaha hormarka iyo u gurmashada dadka Abaaraha ay ku heystaan degaanada Galmudug.
Masuuliyiinta ayaa kulankooda kadib waxa ay kormeereen dhismayaal xafiisyo ah oo laga hirgeliyay gudaha xarunta Madaxtoyada, kuwaasi oo Galmudug ay ka caawiyeen UNDP-da.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Madaxa mashaariicda UNDP ayaa si wadajir ah xariga uga jaray xarumahan lagu soo kordhiyay Madaxtooyada Galmudug.
Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa sheegay ujeedka wafdigan ay u yimaadeen Cadaado in ay tahay in ay Galmudug kala shaqeeyaan arrimaha hormarka iyo sidii loo caawin lahaa dadka ay saameeyeen Abaaraha.



