Madaxweyne Guuleed oo tagay deegaanadii lagula dagaalamay Alshabaab (Sawiro)

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa tagay deegaan ku yaala bariga gobolka Mudug oo ay ku dagaalameen ciidamada maamulka Galmudug iyo Alshabaab.

Deegaanka Jireey iyo deegaano kale oo ku yaala  bariga gobolka Mudug waxaa ku dagaalamay ciidamo ka tirsan ALshabab iyo Galmudug, dagaalkaasi oo khasaaro badan geystay.

Madaxweyne Guuleed iyo wafdigiisa ayaa u kuurgalayay xaalada deegaanada lagu dagaalamay ee ku yaala bariga gobolka Mudug.

Wafdiga C/kariin Guuleed ee tagay deegaanka Jirey waxaa kamid ah wasiiro iyo saraakiil ciidan, waxaana ay tageen deegaanka Jireey iyo deegaano kale oo dagaalo ay ka dhaceen.

Galmudug ayaa shaaciyay in lasoo afjaray dagaalkii u dhaxeeyay Alshabaab iyo ciidamada maamulka Galmudug, kaasi oo Galmudug ay sheegtay iney ku dishay 110 Alshabaab ayna qabteen inka badan 100 askari.

afbarwaaqo4 afbarwaaqo3 afbarwaaqo2 afbarwaaqo1