Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u magacaabay CabdiSaciid Muuse Cali in uu noqdo la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Amniga.
Arrintaan ayaa soo shaacbaxday ka dib markii Twitterka Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating lagu soo qoray in uu kulan la qaatay Cabdisaciid oo ah la taliyaha Amniga Qaranka.
Cabdisaciid ayaa ah nin aan ku cusbeyn Siyaasadda Soomaaliya waxaana dowladdii TFG-da ee lagu soo dhisay dalka Kenya sanadkii 2004, waxaa uu ka ahaa La taliye dhinaca farsamada, waxaa uu sidoo kale dowladda uu isku xire uu ka ahaa hey’ado badan oo caalami ah.




