Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa lagu waddaa in uu la kulmo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool Magaalada Qaahira.
Waxaa lagu waddaa in sidoo kale uu la kulmo Ganacsatada waa weyn ee u dhalatay dalka Masar si uu uga dhaadhiciyo in ay maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya.
Ardayda iyo sidoo kale Ganacsatadda Soomaaliyeed ee kunool Qaahira ayuu Caawa Khudbad dheer u jeedin doonaa isagoona uga warbixin doono Xaaladda Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.
Safarka Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ku wehliya Wasiirka arrimaha Dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka Waxbarashada iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Farmaajo ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne C/fitaax Al-siisii, waxayna labada dhinac ka wadahadleen xiriirka labada dal, iyo dhismaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.



