Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isaga oo u dhoofay dalka Suudaan halkaas oo ay uga bilaabaneyso booqasho rasmi ah oo labo maalmood qaadaneyso.
Safarkan waxaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ku wehliya Marwada koowaad ee dalka iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Xildhibaanno iyo Taliyaha Ciidabka Booliiska Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa la filayaa in marka uu gaaro Suudaan uu kulamo la qaato madaxda dalkaasi, iyaga oo ka wada hadli doona iskaashiga labada dalka iyo in si wadajir ah looga shaqeeyo dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo Waxbarashada.
Booqashada Madaxweynaha ayaa la qorsheeyey iney qaadato muddo labo maalin ah, waxaana lagu wadaa in sidoo kale Madaxweyne (Farmaajo) uu la kulmo Soomaalida ku nool Suudaan.





