Madaxweynaha Puntland ayaa ka laabtay dib u dhigistii uu ku sameeyay dhisidda xukuumadda cusub sida ay sheegayaan Illo wareedyo ku sugan Magaalada Garowe oo madax-bannaan.
Madaxweyne Deni ayaa la sheegaya dhinaca kale in uu baajiyay safar uu ugu bixi lahaa dalka dibaddiisa gaar ahaanna waddanka Imaaraatka Cara .
Wararka ayaa tilmaamaya in Siciid Deni uu guda-galay hawsha dhismaha xukuumadda cusub uuna bilaabay la-tashiyo ku aaddan arrintaas.
Dhinaca kale Madaxweyne Deni oo fulinaya heshiiskii ayaa saacadaha soo socda dib Jimcaale Takar ugu magacaabi doona taliyaha ciidanka Danab.
Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa dhawaan kulany yeesheen Muddo 30 Cisho ugu kordhiyay Waqtiga uu Madaxweyne Deni ku soo magacaabayo Golaha Wasiirada Cusub ee Puntland Balse Balse Madaxweyne Deni ayaa arinkaas ka laabtay islamarkaana gudo galay soo xulista Wasiirada Cusub eisaga oo la tashanaya Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan lugo Toor iyo Isimada Dhaqanka Puntland



