Madaxweynayaashii Hore “Boobka Dhulka Danta Guud waa jabin dastuur”.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Cabdiqaasim Salaad Xasan, Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta si wadajir ah u soo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadlayaan arrimaha ku saabsan ku takri-falka iyo boobka dhulka danta guud ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynayaashii hore ayaa tacsi u diray qoysaska iyo qaraabada dadkii ku dhintay howl-gallada la xiriira dhulalka danta guud, iyagoo Alle uga baryay naxariis kuwa geeriyooday iyo caafimaad degdeg ah kuwa ku dhaawacmay.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay qodobbada Dastuurka KMG ah iyo sharciyada dalka, kuwaas oo si cad u qeexaya sida loo maamulo dhulka iyo hantida guud ee shacabka Soomaaliyeed, hase yeeshee lagu eedeeyay in si bareer ah loo jebiyay qodobadaas dastuuriga ah.

Madaxweynayaashii hore ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay:

1. Inuu joojiyo ku takri-falka hantida danta guud iyo u awood sheegashada shacabka dan yarta ah.

2. In dib u dajin iyo hoy loo sameeyo qoysaska barakacay ee xaqa u leh deegaan.

3. In dhulka danta guud lagu soo celiyo gacanta dowladda, isla markaana hannaanka sharciga ah loo maro haddii laga maarmi waayo iibintiisa.

 

Sidoo kale, waxay uga digeen ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed in aysan ku kadsoomin dhulka danta guud ee shacabka ka dhexeeya, ayna ka feejignaadaan qeyb ka noqoshada boobka hantida qaranka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu soo gebagabeeyay in shacabka Soomaaliyeed awood dastuuriyan u leeyihiin ka hortagga ku takri-falka hantida guud, iyadoo madaxweynayaashu ku baaqeen in la ilaaliyo sharciga iyo xuquuqda muwaadiniinta.